Madaxda dalalka Islaamka oo shir uga furmaya dalka Turkiga

154

Magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga, ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka dalalka ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa go’aankii madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Turkiga   Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in laga aamuso dulmiga ay Israa’iil ku heyso Falastiin, isaga oo balan qaaday in Shirka ay kasoo bixi doonaan fariin xooggan oo la xiriirta Qudus.

“Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta ayaa si daciif ah oga fal celiyay arrintaan, sababtoo ah waxa ay qaarkood walaac ka qabaan Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Shirkaan uu noqon doono Turjumaad wax ku ool ah oo Shacuubta Carabta iyo Islaamka ay kaga horimaanayaan talaabada Donald Trump.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Shirkan ayaa la filayaa in aysan u kala harin Hogaamiyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka, waxaana Soomaliya oga qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.