Madaxda dalka oo u hambalyeeyay Arday Naafo ah oo Kaalinta 1-aad ka galay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD (Sawiro)

184

 

MOQDISHO (XT)—Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ismaaciil Raage oo ah Arday Soomaaliyeed oo Naafo ah kana qalan-jabiyay Kulliyadda Dhaqaalaha ee  Jaamacadda SIMAD ee Magalada Muqdisho.

Ismaaciil Raage ayaa Kaalinta Koowaad ka galay Kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Candiraxmaan Ducaale Beyle oo Ismaaciil Raage xafiiskiisa ku qaabilay ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray Waxbarashada gaar ahaan kulliyadda Bangiga iyo Dhaqaalaha

“Waaxan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay @IsmaelRaage oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance @SIMADUniversity
Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam utahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad” ayuu Yiri Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka kulanka uu la qaatay Ismaaciil Raage ka dib.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Guulaha qofka bani’aadamka uu soo hooyo aysan ku xirnayn in qofka uu ahaado qof lixaadkiisa qaba iyo inuu naafo yahay midna, islamarkaana caadada ah in Naafadu aysan waxba qabsan Karin ay tahay mid aan aan haboonayn.

Waxaa wasiirku uu sheegay in Ismaaciil Raage uu taageeri doono.

Qoraalka Twitter-ka uu soo dhigay wasiirka ayaa waxaa xigtay sidoo kale ka hadashay madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxtooyadda ayaa ardayga Lixaadkiisa aan Taamka ahayn islamarkaana sameeyay hormar dadka Lixaadkooda Taamka yahay aan samaynin ugu hambalyaysay Guusha uu soo hooyay.

“Hambalyo Ismaaciil Raage oo ka qalin jabiyay Maamulka Bangiyada iyo Maaliyadda ee Jaamacadda SIMAD. Xukuumaddu waa in ay xaqiijisaa sidii qoondo shaqaaleysiin ah loogu heli lahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba” ayaa lagu yiri qoraal madaxtooyada ay soo dhigtay barta ay Ku leedahay Twitter-ka.

Dad fara badan oo Sokmaaliyeed oo isticmaala Aalladda Internet-ka gaar ahaan baraha Bulshada sida Twitter-ka, ayaa hambalyo u diray Ismaaciil Raage, waxaana guushiisa ay Ku tilmaameen mid ummadda Soomaaliyeed u soo hooyatay.