Madaxu Waa Tii Xaflad Tagta

338

‘Guddoomiye’ magacaagaa la yiraa. Qolkaas ‘xafiis’ ayaa la yiraa. Kursigaasna ‘fadhigaaga’ ayaa la yiraa. Kaasina ‘baabuur’ baa la yiraa oo xiim xiimta ayaa laga yeersiiyaa, xaafadahana waa lagu roorsiiyaa. Kuwaasina ‘istaaf’ ayaa la yiraa, dhexda ka soco iyagana geesaha ha fiir fiiriyeen.

“War guddoomiye waa madaxe! Maxaan qabtaa marka?” “Waxbana ha qaban” shaqada ayaa la yiraa. ‘Lacag qaadana’ dantaad ayaa la yiraa. ‘Madaxuna tii xaflad tagto’ ayaa la yiraa.

Intaasi Waa Qeexiddii Shaqada (Job Description)

Subixii xigay, jiifkaan kasoo kacay anigoo ku celcelinaya ‘Anigu anigaa lay yiraa. Magacayga guddoomiyaa la yiraa. Guddoomiye madax baa la yiraa. Madaxuna maxay tahay? Madaxu waa tii xaflada tagta’. Waxaan imid qolkii xafiis la lahaa. Bal arka waa meel nin yaqaanna loo diyaariyaye. Wallee aniga i sugi meysid ee nin fadhi rabo sug. Aaway kursigii fadhi la lahaa? Sidaan ayey horta madaxdu u war wareegan jirtay. Cajaa’ib dheh. Wax aan aqaannaba midkan ayaa ka jira. istaaf yaa la yiraa? Waa na kan mudane. Soo yaaca waryaada. ‘Kam Hiyar’ ayuu Gaalka xanaaqsani dhihi jiraye. Horta aan kuwaan ku barbartee ii kaadi. “Waryaada ma i maqlaysaan?” “Haa mudane.” “Lugteyda iyo lugtiinna haddii ay hal quraansho soo dhex gasho idinkaa i dilaye ogaada.” Anigu balaayada la iska ilaalsho siday u taal ma aqaan koow dhaha. Ogaal la’aan inaan u dhintana ma rabo ee lugta lugta ii saara. Dadkuna hay arkeen inaan nin la ilaalinaa ahay. Waana xanaaq fududahay haddaba ogaada. Eheey, isuma war li’in uun.

Mid saaxiibkaya oo sidayda loo ajaray ayaa I soo wacay. “War bal soo bax xafladaa jirtee.” Waan wada tagnay. “Ar Caliyow xay tahay meeshaanu? Xaggeen fadhiisanaa bal?)” Anigaa waydiiyay sida inuu igu dhaamo. Isna wuxuu la soo booday “Sug bal aan dadka waydiinno meesha ay madaxdu fadhiisatee”.

Wiil yar oo kuwa shaqaynayay ku jira ayaa gacanta naga qabtay oo noo geeyay niman suudad madow leh. (Goorba waa madax kale) ayaan hoos iska niri. In la hadhadlo ayaa billaabatay. Makaroofanka nin baa haaya oo dadka u wacaya. Intii agteenna fadhiday ee noo dhar ekayd waa la wada wacay. “Ar Caliyow annaga maxaa nalagu arkay oo Makaroofanka noo diiday?” Anigaa saaxiibkay si hoose u waydiiyay. Isna wuxuu iigu war celiyay “waa naga soo hor mareen ee berrito ayey noo tahay. Hooyaday ba madax ma dhalin haddaanan makaroofankaas xun fuuf ku dhihin).

W.D: Maxamed Cabdullahi Abuukar (Dhaaley)

Muqdisho – Soomaaliya