Madaxwayanaha iyo QM oo soo dhoweeyay bilaabashada Dorashada Aqalka Hoose

262

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay sida ay ku socoto hanaanka doorashooyinka dadban ee samadkan 2016-ka, gaar ahaan tan Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabatay magaalada Garoowe, isla markaana la filayo in magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Cadaado  ay sidaas oo kale uga bilaadaan doorashada Aqalka Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Maamulka Puntland ugu Hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo maanta qaar ka mid ah kuraasta ay Puntland ku leedahay baarlamaanka Federaalka ah la doortay.

Madaxda dowlad goboleedyada kale ayuu ku booriyay inay dar dargeliyaan doorashada aqalka Hoose oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka bilaabato qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xilligan ku tallaabsatay horumar dhinac waliba leh, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada sanadkan ay ku dhacdo sidii loogu talagalay.

Dhanka kale Wakiilka Xoghayaha Guud we QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Keating, ayaa soo dhoweeyay bilaabashada dooraahada Aqalka Hoose.

Wakiilka oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inuu Ku rajo wayn yahay in dhowaan la dhameeyo guud ahaan doorashada Aqalka Hoose.