Madaxwaynaha Azerbaijan oo Xaaskiisa u magacaabay madaxwayne ku xigeenka dalkaasi

288

Flag_of_Azerbaijan.svg

Madaxwaynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev, ayaa maanta Waxaa uu Ku dhawaaqay in xaaskiisa Mehriban Aliyeva ay tahay Madaxwaynaha Ku xigeenka Azerbaijan.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dalka Azerbaijan ayaa lagu xaqiijiyay warkan.

Magacaabistan Mehriban Aliyeva, ayaa timid ka dib markii dadka reer  Azerbaijan ay 26 bishii September 2016 ay afti dadwayne ay Ku ansaxiyeen isbadel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi Azerbaijan taasi oo keentay in Madaxwaynaha uu xaaskiisa u magacaabo Madaxwayne Ku xigeenka Azerbaijan.

Mehriban Aliyeva, oo ah xaaska Madaxwayne Aliyev  ayaa ah 52 cilmiga caafimaadka Ku soo baratay jaamacad Ku taala Magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Gabadhan ayaa xisbiga talada haya ka mid ahayd tan iyo 2004 ayadoo mar noqotay gudoomiyaha xisbiga talada haya Ku xigeenkiisa.

Dalka Azerbaijan ayaa ah dad Muslim ah, dadkiisa 96% waa Muslimiin 46% waa Shiico 15% waa suniyiin.

Azerbaijan ayaa Ku yaala Koonfurta gobalka Caucasus, waxaa uu xudduud la leedahay dalalka Russia, Armenia, Georgia, Iran iyo Turkiga oo ay wadaagaan xudduud 8 Kilometers ah.

Waxa uu ahaa dal xur ah tan 1918 kii, waxaa uu Midowgii Soviet Ku biiray 1920 kii isagoo markii dambe ka mid noqday dalalkii ka go’ay Ruushka.