Madaxwaynaha Hiir-shabeelle oo gaaray B/wayne

98

Madaxwaynaha Maamulka cusub ee Hiir-shabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada B/wayne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayadoo halkaasi lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin, ayaa waxaa ay tageen hotelka uu magaalada Beledweyne ka degan yahay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Ma jirin wax wada-hadal ah oo dhaxmaray Wafdiga iyo Ugaaska sida ay sheegayaan wararka Xaqiiqtimes uu ka helayo halkaasi.

Cali C/llaahi Cosoble oo la hadlay warbaahinta ka booqashadiisa B/wayne ayaa sheegay inuu bulshada uga mahad celinayo soo Dhaweynta ay u fidiyeen, isagoo intaas ku daray in isaga iyo wafdigiisa ay Xallin doonaan  tabashada ay qabaan bulshada gobolka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa shacabka ku nool uud ahaan gobolka Hiiraan ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulka  cusub ee Hir-Shabeelle.

Halkan ka daawo sawirada soo dhowaynta Madaxwaynaha Hiir-shabeelle.

http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/http://hiiraan.com/images/gallery/2016/oct/