Madaxwaynaha Maraykanka oo u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta

255
President Donald J. Trump speaks with Secretary of Defense James Mattis and other senior leaders of the armed forces at the Pentagon in Washington, D.C., Jan. 27, 2017. (DOD photo by U.S. Air Force Staff Sgt. Jette Carr)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku biiray Madaxda u soo tahniyadeysay Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasoo ku guuleystay doorashadii 8-dii bishan ka dhacday dalka Kenya.

War saxaafadeed laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in doorashada ka dhacday Kenya ay aheyd tallaabo horay loo qaaday,

“Mareykanka waxaa uu u hambalyeynayaa dadka reer Kenya in doorashooyinkii si guul leh loo soo afjaro, iyo in dib loo doortay Madaxweyne Uhuru Kenyatta”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad

Donald Trump ayaa sheegay in doorashada Kenya ay u dhacday mid cadaalad iyo hufnaan ah, waxaana uu soo dhoweeyay warbixinta ay soo saareen Goob joogayaasha Caalamiga oo ku tilmaamay doorashada inay aheyd mid lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dadka Kenyanka inay iska diidaan rabshado iyo colaad, waxaana muranada la xiriira doorashada lagu baaqay in lagu xaliyo dastuurka Kenya iyo sharciyada u yaalla dalka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa ka soo horjeestay natiijada doorashada Kenya, waxaa uu sheegay in nidaamkii codeynta Computer-rada la jabsaday, isla markaana ay dhacday ku shubasho, waxaa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in aan maalin shaqo la aadin.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashada ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Kenya, waxaana jiray isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhex maray Ciidamada Ammaanka iyo taageerayaasha mucaaradka.