Madaxwaynaha oo beeniyay in dowladdiisa ay ku lug leedahay colaadda Gaalkacyo

415

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku howlantahay sidii loo hakin lahaa colaada daba dheeraatay ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka Magaalada Gaalkacyo aysan wax  lug ah laheyn dowladda  Federaalka Soomaaliya,  isagoo sheegay in dagaalka Magaalada Gaalkacyo uu soo taagnaa muddo aad u dheer , islamarkaana ay nasiib daro ay tahay in maamulada Qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyaan colaada Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeeyay  in ay maamulka Galmudug ay ku taageerayso colaada Magaalada Gaalkacyo.

Halkan Ka dhagayso hadalka Madaxwaynaha.