Madaxwaynaha oo beeniyay in wax laga badaleyo calanka+ dhagayso khudbadiisa.

263

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo calanka ku saabsan.

Ugu horeen shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynaha ugu hambalyeeyay maalintaan qiimaha badan, waxaana uu ku dheeraaday ka hadalka qiimaha calanka uu leeyahay.

Xasan Sheekh  ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar maalmahaan dambe uu sheegay in lagu soo qorayay Internetka oo ah in calanka Soomaaliyeed isbedal lagu sameynayo.

madaxweynaha  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kaalin xooggan ka qaataan horumarka dalka iyo in gacmaha la’is qabsado

Halkan ka dhaygayso khudbadda madaxwaynaha oo dhamaystiran.