Madaxwaynaha oo booqday xerada ciidanka maleteriga Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo: Sawiro

398

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo soo dhaweeyay madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa sheegay in ay muhiim u tahay booqashada  Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu xusay  in jubbaland ay ka mid tahay maamulada  hanaqaaday ee dalka ka jira.

Wuxuu sheegay inuusan maamul ka madaxbanaan dowladda federaalka ee Muqdisho, isagoo xusay inuu rajaynayo sidii looga hirgalin lahaa  Kismaayo Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe  gaar ahaan  xafiisyada Madaxtooyada, Ra”iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay buu yiri Dowlada Federaalka

” dowladda federaalka ayaa laga sugayaa in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan” ayuu yiri Axmed madoobe

Madaxweyne Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay ciidamadda milateriga  dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Dowlada ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markana ay hawlgali doonan.

Gabagabadii, Madaxwaynaha Soomaaliya iyo hogaamiyaha maamulka Jubaland  waxaa kale oo ay isla maanta booqdeen Xarunta tababarka Ciidamada Darawiishta Jubbaland halkaas oo Ciidamo tababar dhamaystay ay kula hadleen.

S09A6178-740x493 S09A6115-740x493 S09A6114-740x493 BE2I9971-740x493 BE2I9636-740x493 BE2I9633-740x493 BE2I9632-740x493 BE2I9618-740x493 BE2I9617-740x493 BE2I9613-740x493 BE2I9608-740x493 BE2I9592-740x493 BE2I9581-740x493 BE2I9566-740x493