Madaxwaynaha oo khudbad ka jeediyay caleemo-saarka Madaxwaynaha Hiir-shabelle Dhagayso

238

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan ahayn maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee ay yeelato Soomaaliya.

Madaxwaynaha oo ka qaybgalay xafladda caleemo-saarka Madaxwaynaha cusub ee Hiir-shabeelle ayaa waxaa uu halkaasi ka jeeday khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay wali dhiman yihiin maamul gobaleedyo ka dhisma Soomaliya, isagoo sidoo kale sheegay in ay dhimantahay maqaamka ay yeelanayso Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Halkan ka dhagayso khudbadda Madaxwaynaha.