Madaxwaynaha oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Burundi

243
 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dalka Burundi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya,  waxa uu madaxweynaha ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Brundi, Alian Aime NYamitwe,  kulanka waxaa   joogey wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay salaan iyo dhambaal uuu   uga siday madaxweynaha dalka Burundi.
Waxaa aad looga hadlay doorka Ciidammada Burundi ee nabaddeynta Soomaaliya  ee howlgalka AMISOM, madaxweynaha ayaa uga mahadceliey wasiirka booqashadiisa  Soomaaliya iyo dhambaalka uu iga siday dhiggiisa dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Burundi Alian Aime NYamitwe ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya  in uu ka turjumayo xiririka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka, waxaan si gaar ah uga  hadalnay ciidammada Burundi ee Soomaaliya jooga iyo  in dedaalkaasi uu sii socdo.
“madaxweynaha Soomaaliya ayaan la kulmay, aad ayaan ugu faraxsanahay, kulankeenna waxa uu ahaa mid muhiim ah oo aan uga hadalnay xiriirka labada dowladood ka dhaxeeya, si gaar ah waxaan isaga wareysanay ciidammada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi, kulankaasi waxaan iskula garannay in aan sii wadno dedaalka aan nabadda Soomaaliya uga sii qeyb-qaadaneyno, maadaama aynu nahay waddamo walaal ah oo wadaagga dano badan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi Alian Aime Nyamitwe.
Dawladda Burundi  ayaa ka mid ah wadamada ciidanka nabad ilaalinta  keenay Soomaaliya, ilaa haddana ka howlgalla,  dowladda Soomaaliya waxa ay dhankeeda muujisay sida ay uga xuntahay dhibaatooyinkii dalka Burundi ka dhacay ee dhanka siyaasadda la xiriiray.
3e 2e 1e