Madaxwaynaha oo lagu eedeeyay inuu fara-galin uu ku hayo guddiga xalinta khilaafaadka

197

Musharaxa xilka madaxwaynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ayaa eedayu usoo jeediyay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Mr.Warsame ayaa guddiga ku eedeeyay inay ka mid noqdeen dadka u olaleeya madaxwaynaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka ay si ulakac ah ay u ansaxiyeen doorasho dhac iyo ku shubasho xubnahooda ay kusoo baxeen.

Musharaxan ayaa dhanka kale madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu fara galin qaawan uu ku hayo guddiga xalinta khilaafaadka.

Halkan ka akhriso qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/shakuur. 
czpweykwqaepvvw