Madaxwaynaha oo lagu soo dhoweeyay Addis Ababa (Sawiro)

235
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo lagu soo dhowaynayo garoonka diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa / Isniin/23/ 10/2017. Addis Ababa Ethiopia
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo lagu soo dhowaynayo garoonka diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa / Isniin/23/ 10/2017. Addis Ababa Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, Mas’uuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa labaad ee Itoobiya ku yimid ay qeyb tahay sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda Itoobiya, isla markaana ay muhiim in loo midoobo cadawga, kaddib qaraxii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho.

“Khatartan ma ahan kaliya mid Soomaaliya ku wajahan, xataa dalalka deriska ayay ku tahay, waana sababta aan halkan u imid oo aan u raadinayo taageero iyo garab istaag walaalaheena Itoobiya”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Wariyeyaasha la hadlayay markii uu ka degay Garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa.