Madaxwaynaha oo Muqdisho kula kulmay Qorba-joog Soomaaliyeed

204
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, sawirka waxaa la qaaday Asniin, 25. Sep. 2017/ Mogadishu, Soomaaliya (lahaanshaha sawirka Villa Somalia)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaako ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeedad kulanka ayaa wuxuu ahaa sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Faraamjo, uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banana dadka Qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed, taasi oo ah in ay dowrkoodi wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkooda.

M.Farmajo, ayaa sheegay in “Soomaaliya horey ay u socotaa, dowladduna dadaal ugu jirtaa sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa, Qurba joogta dowrkoodi ay muujiyaan, islamarkaan waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan”

Sanadihii ugu dambeeyey oo dalka uu ka soo kabsanayay burburkii 25 sano ee la soo dhaafay dalka ka jiray ayaa waxaa muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa,iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka.