Madaxwaynaha oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Midowga Yurub

355

Madaxweynaha oo uu wehliyo, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil kale, waxa uu war-bixin ku saabsan shaqadeeda Cusub ka dhageystay Mss Lorenza.

Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu sheegay in Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, isla markaana uu ogollaadey shaqada Safiirka cusub, gacanna ay ku siin doonaan howlaha ay Soomaaliya ka qaban doonto.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha  iyo safiirka ay ka hadleen sidii loo dardagelin lahaa howlaha Midowga Yurub ee Sooomaaliya.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya Lorenza, ayaa  sheegtay  in ay ka shaqeyn doonto sidii uu u sii jiri lahaa  xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageera dhan walba, shaqadaas waxaan rajeynayaa in ay noqoto  mid aan dowladda Soomaaliyeed ku wada guuleysanno.

Mss Lorenza, ayaa baddeshay Michel Gorn’of oo  muddo afar sanno joogey  Soomaaliya, Midowga Yurub ayaana isku dayaya in uu la yimaado isbadelka doorashooyinka kaddib howlgal cusub oo ku saleysan wada shaqeyn iyo taageero toos ah oo la siiyo dowladda Soomaaliya.

Xigasho SONNA

2016113636137586478243855img_4475 2016113636137586742618500img_4478 2016113636137587026780285img_4476