Madaxwaynaha Soomaaliya isbuucan booqan doona dalka Itoobiya

433

farmaajo-640x427

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu waddaa ka ambabaxo magaalada Muqdisho isagoo Ku sii jeeda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa Arbacadda gelinka dambe in uu u dhoofo Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wakaalada Wararka ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa ilo ku dhow Madaxweynaha ayaa sheegtay in Safarka Madaxweynaha uu qeyb ka yahay horumarinta xiriirka labada dal.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagaayo dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 8 Bishii February ee sanadkan 2017 ka.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa horey booqasho rasmi ah Ku tagay dalalka SacuudiCarabiya, Kenya, Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkiga.