Madaxwaynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta (Sawiro)

230

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta oo Axad ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Abu Dubai kusoo dhoweeyay wasiirka Caddaaladda dowladda Imaaraadka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaa madaxda dalkaasi kala hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya, Ammanka iyo arrimo kale.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqashadiisa dalka Imaaraadka Carabta waxaa uu noqonayaa tiisii labaad ee uu ku tago dalkaasi tan iyo inta bilowgii sanadkan loo doortay xilka madaxwaynanimo ee Soomaaliya.