Madaxwaynaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

376

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay ka duuleen garoonka diyaaradaha  Aadan Cade ee Muqdisho.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa la sheegay imd  leh micno badan, waxaana magaaladaasi kaga horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid  iyo musharax C/raxmaan C.shakuur Warsame oo isaguna ka tirsan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay olalaha doorashada ee sanadkaan, waxaana magaaladaasi ka imaanaya xildhibaano badan.

Madaxwayne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulka Jubaland.

Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maalmo ku suguan magaaladaasi ayaa maalmo  ka hor ka sheegay magaalada Kismaayo in loo baahan yahay isbadal dhanka hogaanka ah, waxaana safarkaan uu u muuqdaa mid jawaab ah.

Magaalada Kismaayo oo lagu soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa marar kala duwan tagay musharixiin sanadkaan doonaya xilka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmaa xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo madaxda maamulkaasi.