Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka qayb-galaya shir-madaxeedka IGAD

248

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, ayagoo ku sii jeedaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo xubno kale.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doona shirka Madaxda IGAD oo ka dhici doona Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

13-kii Bishii September ee sanadkan ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shirkii 28-aad oo ay yeeshaan Madaxda urur Goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi uu ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1976.