Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaan Aqalka Hoose ka tirsanaa

184
“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle la wadaagayaa tacsidan murugada leh.
Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa ” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuum Daahir oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub ee dhowaan la doortay iyo xildhibaannadii hore Allaah uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.
Dhammaad
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya