Madaxwaynaha Soomaaliya oo kumanaan dad ah kula hadlay Magaalada Muqdisho: Sawiro

339

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad u jeedinaayay kumanaan qof  Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxqabadkii boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga Saartay Ammaanada iyo sidoo kale sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa, waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Musuq maasuqa.

Waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda la shaqeeyaan , islamarkaana ay garab istaagan.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu u keenay Ra’iisul Wasaare Asaga ka wanaagsan , Ra’iisul Wasaarahana uu Keenay Wasiiro ka wanaagsan ,Wasiiradana laga rabo in ay keenaan Shaqaallo ka wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda in uusan waxyeelo u geysan Karin Shacabka hadii ay waxyeelo gaarsiiyaan tiirka la geyn doono.

Askarta Ciidamada dowladda ayuu uga digay in ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ,islamarkaana ay Nabad qaataan.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in hadii ay Al-Shabaab ay dagaalka joojiyaan in Ciidamada AMISOM ay dib ugu laabanayaan guryahooda.

Caddaaladda ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in si weyn diirada loo saari doono Saddexda Bilood ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto Shaqo Abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Waxaa uu Shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan isku duubni.

FB_IMG_1496587860682 FB_IMG_1496587858216 FB_IMG_1496587855501 FB_IMG_1496587851133 FB_IMG_1496587848250 FB_IMG_1496587843320 FB_IMG_1496587840308 FB_IMG_1496587866050 FB_IMG_1496587869077 r2-630x420 r7-631x420 r6-631x420