Madaxwaynaha Soomaaliya oo la caleema-saaray

316

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho.

Xafladda caleema saarka Waxaa ay ka dhacday xarunta aadka loo ilaaliyo ee Afasiyooni oo ah xaruntii hore ee ciidanka cirka Soomaaliya.

Munaasabadda caleema saarka ayaa Waxa ka soo qaybgalay madax ka kala socta in ka badan 20 dowladood.

Waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Xayla maryam Disalayn, Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta Madaxwayne Ku xigeenka dalka suudaan, wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxwaynaha dalka Turkiga oo wakiil gaar ah usoo diray xafladda caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay muhiimadda kowad siin doonto dhismaha ciidanka Qaranka, la dagaalka musuqmaasuqa iyo saraynta Sharciga.

Madaxwaynaha cusub ayaa sheegay in dowladda aysn sixi Karin wixii wadanka ka qaldamay mudo 26 sanadood islamarkaana taasi ay u baahantahay 26 kale In lagu saxo.

Waxa uu sheegay in wax badan uu qaban doono mudada uu xilka hayo.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa si dhow uu ula shaqayn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.

Kani Turin, oo ah wakiilkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya oo Madaxwaynaha dalka Turkiga uu soo diray xafladda caleemo saarka Madaxwayne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in tan iyo intii Soomaaliya uu joogay uu arkay wax badan oo horumar ah.

“Tan iyo intii uu bilowday howlka Turkiga Waxa dhacay isbadel wayn waxaana Ku faraxsanahay inaan goobjoog ka ahaado labo dowladood oo si nabad ah xilka Ku kala wareegaya”, ayuu sheegay.

IMG_20170222_133130IMG_20170222_123131IMG_20170222_124429IMG_20170222_123051