Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirka dalka Qadar

543

large

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad rasmi ah oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha waxaa Safarkiisa  ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana maanta la kulmeen Wasirrada dhiggooda ah.

Madaxweynaha ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, waxayna ka wada hadleen arrimaha Abaaraha, Caafimaadka, Waxbrashada iyo sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero uga heli laheyd dalalka ay saaxiibada yihiin.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Wadaa in caawa hadii uu Alle idmo Kulan balaaran la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Booqashadan, ayaa waxay noqoneysaa middii ugu horeysay uu Farmaajo ku taggo Qatar, waxayna ka dhigan tahay booqashadiisii 10-aad oo dalalka dibadda uu ugu amba baxo, tan iyo markii uu xilka qabtay.