Madaxwaynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Kenya

199
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo marwada koowaad oo ka ambabaxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo marwada koowaad oo ka ambabaxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Madaxwayne Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha   Soomaaliya ayaa  caleema-saarka Uhuru Kenyatta kaddib waxaa  uu u ambabixi doonaa magaalada Abidjan ee caasimmadda dalka ivory cost  (Côte d’Ivoire) halkaasi oo uu kaga qaybgali doono shirka madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa Midowga Qaaradda Afrika.