Madaxwaynaha Soomaaliya oo u ambabaxay London

196
Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furayay kal-fadhiga koowaad ee Baarlamaanka 10- naad  ee Soomaaliya
Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furayay kal-fadhiga koowaad ee Baarlamaanka 10- naad ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho , waxaana uu kusii jeedaa Magaalada London ee dalka Ingariiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirka 11-ka Bishaan ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingariiska.

Wasiiro iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka looga hadlaayo arimaha Soomaaliya ayaa 11-ka Bishaan ka furmaya Magaalada London , waxaana ka qeyb galaya xubno kasocda Beesha Caalamka.