Madaxwaynaha Soomaaliya oo u ambabxay dalka Jordan

244

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka ambabaxay Muqdisho,waxaana uu ka qeybgalaaya Shirka Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu qabanaayo dalka Urdun.

Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Berri  ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda Carabta.

Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.

rbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.