Wednesday, September 23, 2020
Home Wararka Maanta Madaxwaynaha Soomaaliya oo u safraya Kenya iyo Ivory cost

Madaxwaynaha Soomaaliya oo u safraya Kenya iyo Ivory cost

182
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo marwada koowaad oo ka ambabaxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho
Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo salaan ka qaadanaya ciidamada qalabka sida ee Kenya (Xuquuqda Sawirka Google)

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo,  ayaa la filaayaa in isbuucan gudihiisa uu u ambabaxo  dalalka Kenya  Ivory cost.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga qaybta ka noqana safirkiisa dalka Kenya ayaa ugu horayn  waxaa lagu waramayaa in magaalada Nairobi ay kaga qayb gali doonaan  caleema-saarka Madaxweynaha dhowaan dib xafiiska loogu doortay ee dalka Kenya Uhurra Kenyatta.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu kullan gaar ah uu la yeesho madaxwaynaha la caleema-saari doono ee Uhuru Kenyatta.

Uhuru, ayaa ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo Ku cilis ahayd taasi oo dood badan iyo rashado dhimasho iyo dhaawac ah dhalisay ka dib markii isbahaysiga mucaaradka dalkaasi ugu wayn ee  The National Super Alliance  (NASA) ay doorashada ka hareen  ayagoo u sababeeyay maqaamka Guddiga Doorashooyinka iyo xudduudaha dalkaasi Kenya ee loo yaqaano (IEBC).

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa horay u laashay natiijada doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bartimihii bishii August ee sanadkan inkastoo doorashadii ku ciliska ay sharciyaysay.

Dhanka kale

Madaxweynaha   Soomaaliya ayaa  caleema-saarka Uhuru Kenyatta kaddib waxaa  uu u ambabixi doonaa magaalada Abidjan ee caasimmadda dalka ivory cost  (Côte d’Ivoire) halkaasi oo uu kaga qaybgali doono shirka madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa Midowga Qaaradda Afrika.