Madaxwaynaha Turkiga oo booqanaya dalalka Gacanka

233

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa todobaadka soo socda lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalalka Sacuudiga, Kuwait iyo Qatar, iyadoo ay taagan tahay xiisada diblomaasiyadeed ee Khaliijka ka aloosan.

Erdogan ayaa lugta ugu horeysa ee safarkiisa ku tagi doona 23-ka bishan dalka Sacuudi Carabiya, isagoo u gudbi doona dalka Kuwait oo dhowaan hakiyay dhex dhexaadintii ay ka dhex wadeen Qatar iyo xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale soo cusbooneysiin doona dadaalkiisa ku aadan in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka, isagoo taageeri doona dadaalada ay wado Kuwait.

Erdogan ayaa horay ku baaqay in laga qaado xayiraada dalka Qatar, isla markaana aanay xilligan munaasib aheyn in dal muslim ah in la cunaqabateeyo.

Turkiga ayaa saaxib dhow la ah dalka yar Qatar, waxaana horay u sheegay in taageero ay la garab taagan yihiin.

Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii la soo dhaafay meel mariyay mooshin ciidamo cusub loogu dirayo Qatar, taasoo daba socotay heshiis milateri oo horay labada dal u gaareen sanadkii 2014.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyagoo ku soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo dhanka hawada ah kaddib markii ay ku eedeeyeen inay dhaqaale siiso Argagixisada.