Madaxwayne Farmaajo maxaa ka hor-taagan in uu tago Gobalada Abaarta ka jirto

352

Xoghayaha guud ee  Jaamacadda Carabta ayaa warbaahinta caalamka u sheegay shirka beri ka furmaya Magaalada Cummaan in si weyn dhaqaalo loogu aruurin doono Abaaraha haysta shacabka  soomaaliyeed.

Waxaa kaloo  shirkan ka qeyb galaya madaxda wadamada carabta intooda heysata mathabta  suniga ah ee dareensan Qatarta ku wareegsan ee dawlada iran oo taageerta xukumadaha  Ciraq,Siriya Yeman .

Ururka jaamacada carabta ayaa isku badalay mid ay isku haystaan dawladaha carabta ah ee mathabta suniga iyo mathabta shiicada kala ah.

Waxay waqtigan Dawlada  soomaaliya u taageerayaan wadamada carabta kuwa mathabta suniga haysta    Iyagoo u arka in shacabka soomaaliyeed yahay wadan suni  wadamada Jordan,Sacudiga,kuwayt Masar iyo  imaaraadka   waxay si xoog ah uga qayb qaadanayaa Quudinta dadka abaaraha soomaaliya ku dhibaateysan.

Xaqiiqda jirta waxay tahay Shacabka soomaaliyeed  ayaa aad u dhibsadey Safarada isku xiga ee madaxdii dalka soomartay dibada ku aadi jireen iyadoo dhibaato badan wadanka taal.

Madaxweynayaasha soomaaliya kuwii  ugu danbeeyey waxaa aad u tiro badnaa qaalina ahaa safarada ay dibada ku tagijireen safaradaa wax macna lehna kuma soo kordhin jirin  xallinta mushkiladaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatada dadka Soomaaliyeed gudaha ka haysta.

Su’aashu  Falanqeyntu Madaxweyne Farmaajo safarka dalka gudihiisa Goormuu bilaabi doonaa?

Waa safarkii sadexaad ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu safro intii la doortay maxadweynaha.
wuxuu hore u tagey sacuudiga,Kenya iyo hada oo uu tagay wadanka urdun

anigu waxaa aamin sanahay inaaney muhiim ahay in madaxweynu shirkasta oo caalami ah tago.  Dhabaan madaxda Dastuuriga ah way Ku  matali karaan Dawlada soomaaliya Shirka caalamiga ah.

Waxaa jira Abaaraha ku dhuftay Soomaliya oo dhan waxay  saameen ku yesheen  nolosha kumanaan qof, kuwaasi oo haatan ku nool qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya Dadkaas oo dhan waxay maqleen in wadanka madaxweyne cusub yimid  waa waajib Qaran in intii uu awoodo uu booqdo Madaxweynuhu.

Dad badan ayaa  waxay aamin san yihiin in madaxda Qaranka hogaamisa waqti lasiiyo arinkaa sax maaha  shaqada hogaan dal waqti la sugo malaha wax walba waa in loo kala qaada maxaa ugu muhiim san.

  waxaan falanqeyn u soo qaadanayaa  maamulka Dawlad gobaleedka galmudug waa meel shacab soomaaliyeed dhisteen  waqtigan hada la joogo wuxuu ku jiraa   xaalad adag oo doorasho  ku soo foodleeyihiin  waxay Madaxweynaha cusub  ee Faderaalka uga baahan yihiin Qorshe  Guud oo dhaqaale iyo midsiyaasadeed lagu Taageero .

Markaa waxaan ii muuqara in   madaxweynahu  Farmaajo si dhaqso ah u booqo deegaankaas oo kale. Si uu u Taageero Hanaanka Doorashooyinka.

Inaan arinkan  Ka Falanqeeyo   waa wax muhiima  oo dadku is way diina yaan

madaxweynahu shaqadiisa maxay tahay waa in uu dhiiri galiyaa sidii shacabka ay u wada dareemi lahaayeen in uu yahay Madaxweynahoodii

Marka lagu guulaysto degenaan shaha siyaasada gudaha waxay muraayad u tahay siyaasada arimada dibada.

Waan og  ahay in abniga madaxweynahu waa  muhiim   hadana madaxweynaha wuxuu haystaa awood u kutagi karo meesha uu doono hadii ilahay u sahlo.

Waxaa muhiim ah inaan saxaafada ka aragno muqaal madaxweynihii oo booqanaya  Gobalada dalka oo shacabkiisi la jooga goorkasta  kala qeyb qaadanaya  waqtiga adag iyo waqtiga farxadaleh   xafiiskii madaxtooyada  ka hawl galaya meelkasta oo somaliya ka mida  Rajada aan sugaynaa waataa xubnaha Gollaha shacabka iyo kuma xukumada oo booqankara Gobaladii laga soo Doortey.

Colaada waxaa laaga bixi karaa marka madaxd wadanka xukunta  ogolaato  inay naftooda u huraan sidii nabad lagu heli lahaa.

Warbixinta Waxaa la qoray shirka Jaamacadda Carabta ka hor.

Qoraalkan kama turjumayo siyaasadda Xaqiiqa Times, waxaa uu gaar u yahay qoraaga.

Qore Maxamed  Caalim

Falanqeyta siyaasada soomaaliya.