Madaxwayne Farmaajo oo booqday Wasaaradda Gaashaandhiga

113
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo maanta oo Axad ah Shir-guddoominayay Shirka Golaha Amniga Qaranka / Axad/ 03/12/2017/ MUQDISHO Soomaaliya (Xuquuqda Sawirka Madaxtooyada Soomaaliya)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo  ayaa maanta booqday dhismaha wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha   ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixino la xiriira howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab iyo xaaladaha guud ee Ciidamada Qalabka sida.