Madaxwayne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

336

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda fidraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka soo decay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha kusoo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxwayne, Farmajo, ayaa sacadood ka dib markii la caleema saaray waxaa uu Ku dhawaaqay in uu Ra’iisul wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre oo baarlamaanka Soomaaliya lagu sugayo inay ansaxiyaan ama ay diidaan.

Madaxwaynaha ayaa intaas ka dib u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo la kulmay boqrka dalkaasi Salmaan binu Cabdul-asiis Aala Sacuud.

Waxaa uu tagay Magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama Halkaasi oo uu kasoo cumraystay