Madaxwayne Farmaajo oo furaya kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka

106
Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kulmay hay’adaha amniga iyo guddigii loo saaray qarixixii Moqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare.

Sida Dastuurka qabo kalfadhiyada Baarlamaanka waxaa fura Madaxweynaha oo halkaas ka jeediya khudbad uu kala hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay dalka.

Kalfadhiga lixaad ee maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

Xaamuud oo 7dii bishan soo gaaray Muqdisho ayaa u gudbay Magaalada Baydhaba halkaas oo isaga iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ay shir ka fureen.

Maanta ayey ka qeybgeli doonaan furitaanka kalfadhiga 6aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhiyadii 5aad iyo 4aad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay iyada oo xilligaas guddoonka labada aqal ay is khilaafsanaayeen.

Dhawaan ayey labada dhinac ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay taas oo hadda suurta gelineysa in Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta isku mar uu furo Madaxwyenaha Soomaaliya.