Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Uganda: Sawiro

282

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa socdaalka uu ku tagay dalka Uganda waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.

Waa booqashadii u horeysay ee Farmaajo ku tago Uganda, isagoo Madaxweyne ah, horay waxaa uu booqday, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa, iyadoo sidoo kale is casilaadiisii xilka Ra’iisul Wasaare ee sanadkii 2011 ay sabab u aheyd heshiiskii lagu gaaray Kampala Accord ee dowladda Uganda garwadeenka ka aheyd, xilligaasoo oo madaxdii joogtay is khilaafay.

madax madax1 madax5 madax4 madax3 madax2