Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa Guddi Khubaro ah u saaray soo qiimeeynta Xaaladaha iyo tiro koobka Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Magacaabista guddigan ayaa timid ayadoo horay Madaxwaynaha Soomaaliya u booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar, halkaasi oo ay Ku xiran yihiin maxaabiis kala duwan oo horay ay u xukumeen maxkamadaha dalka haba ugu badnaatee maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Halkan ka akhriso warqadda Madaxwayne Farmaajo Ku magacaabay guddigan.