Madaxwayne Farmaajo oo maanta gaaray Afgooye

600

farmaajo-640x427

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Maanta Gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Afgooye xubno ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu booqon doona degaano hoos yimaada degmada Afgooye oo ay jooggaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safarka Saaka Madaxweyne Farmaajo uu ugu ambaxay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli Ciidamada dowladda Soomaaliya dhawaan howlgal ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose ay ku dileen Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab.