Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare

107

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka.

Magacaabistan ayaa timid ka dib markii madaxwaynaha uu soo  jeedi  ka helay  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.

▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).

▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.

▪ Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed