Madaxwayne Siilaayo oo cafis ku sii daayay Wariye Coldoon

390

Coldoon-2

Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayaa maanta xoriyadiisa helay, kaddib wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo cafis loogu fidiyay.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeyay cafis gaar ah loo fidiyay C/maalik Muuse Coldoon.

Maxkamadda Hargeysa ayaa bishii April ee sanadkan ku xukuntay labo sano oo xarig ah, kadib markii ay lagu eedeeyay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

C/maalik Muuse Coldoon ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ka mid yahay wariyeyaasha ugu caansan Somaliland, waa sama fale ka qeyb qaata howlaha gurmadka iyo gar-gaar u raadinta dadka danta yar.coldoon