Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goor dhow ee maanta oo sabti ah loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka fediraalka ah ee dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqon doona inta uu nool yahay sida uu qabo dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya.
Qof walba oo qabta xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa noqon doonaa xildhibaan sharafeed.
Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa xilka Maanta loo dhaariyay waxaa uu yahay mid dastuuri ah, waxaana qof kaste oo soo noqda Madaxweyne uu xaq u leeyihiin in uu baarlamaanka ka mid noqdo.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonaya Xildhibaanka 276aad ee baarlamaanka Soomaaliya.