Madaxweyanaha Soomaaliya Oo sheegay In Uu Soo Laabtay Xariirkii Caalamiga ahaa Ee Soomaaliya.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya Xasan Sh Maxamuud, oo Maanta ka qaybgalay Munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah 8 Maarso,ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasabadda waxa uu kaga dahwaajiyay arimo dhowr ah oo Xilligan ay wajahsyo Dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeen waxa uu hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed,waxa uuna ku booriyay in qaateen door wanaasgan  oo aan lahilmamai doonin ayna ahaayeen laf dhabar 22sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyane Xasan Shiikh ayaa sheegay in Dowladda Soomalaiya ay ku guulaystay soo celinta xariirkii caalamiga ahaa ee Adduunka aan lalahayn,waxa uuna xusay in ay jirto xariiro wanaagsan oo xilligan ay Dowladdu xaqiijisay xariirada caalamiga ah ayna sii wedi doonto xariiradaasi.

Madaxweyane ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilligan ay dagaal xoogan kula jiraan Al shabaab,waxa uuna xusay in ay Al shabaab wali ay jiraan balse aysan lahayn awoodoodii hore ee lagu yaqaanay.