Madaxweynaha Jabuuti oo Goordhaw Soo Gaaray Muqdisho

231

jabuuti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa goor dhaw ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,iyada halkaasi uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, xildhibaano iyo Guddiga qaban qaabada munaasabadda Maalinta Afka Hooyo oo lagu qabanayo Maanta Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa u yimid Xuska Maalinta Afka Hooyo taasi oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geele ayaa ka qaybgalaya munaasabaddan, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu dhagax dhigo xarunta Akadimiyada Afka Soomaaliga oo xarunteeda noqonayso magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ku howlan qaban qaabada ayaa sheegaya in sidoo kale ay munaasabdda imaanaya madaxda deegaannada Soomaalida.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadada Maka Al Mukarama lagu arkayaa ciidanka nabadgelyada iyada oo la xadiday dhaq dhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka, si loohubiyo amaanka Magaalada oo shalay uu ka dhacay qarax khasaaro xoogan gaystay naf iyo maalba ah geystay.