Madaxweynaha oo safaro ku kala bixiyay g/dhexe

168

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dawladda, danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya iyo taliyeyaasha talisyada kala duwan ee ciidamadda qaarkood ayaa markii ugu horreysay booqasho keddis ahayd ku tagay degmada Ceelbuur ee gobolkaasi Galguduud, halkaasoo ay ciidamadda isbaheysigu dib uga saareen dagaalyahanka xarakada Shabaab.

Shacabka ku nool Ceelbuur ayaa si weyn u soo dhoweeyay madaxweyne Xasan, balse mar uu dadweynaha kula hadlayay goob fagaare ahayd ayuu madaxweynuhu ka codsaday inay gacan ka siiyaan masuuliyiinta maammulka degmada iyo saraakiisha ciidamadda huwanta hawlaha soo celinta nabadda iyo ammaanka guud ee degmadaasi. Booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid uu ugu kuurgelayo xaaladdaha dhinaca nolosha ee imminka ka jira degmadaasi Ceelbuur.

Dhinaca kale, wefdiga madaxweynaha ayaa gaadhay magaalada Beledweyne, wuxuuna kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamadda iyo qeybaha kale ee bulshada reer Hiiraan, isaga oo kala hadlay xal u helidda shaqaaqo dhowaan ka dhacday gobolkaasi oo lala beegsaday ciidamadda Jabuuti uga midka ah hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira soo afjaridda dagaal beeleedyo khasaaraha ba’an geystay oo weli ka tagaan deegaanka Deefoow ee gobolkaasi Hiiraan.

Xiisaddahaasi colaadeed ee Deefoow ayey Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika ugu baaqeen madaxda dawladdu inay wax ka qabtaan inta aysan ku sii baahin gobolkaasi Hiiraan.