Madaxweynaha oo dib u furay safaaraddii China

265

China2

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii ugu horreysay markale si rasmi ah dib u furay safaaraddii China ku lahaan jireen gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo ay joobjoog ka ahaayeen xafladdii furitaanka masuuliyiin sare oo uu ka mid ahaa danjire Nicholas Kay, safiirka cusub ee waddankaasi oo lagu magacaabo Wei Hongtian iyo madax kale oo lagu casuumay xafladdaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku tilmaamay dib u hawlgalinta safaaraddaasi inay uga dhigan tahay wuxuu ugu yeeray ‘cilaaqaad sii xooggaysanaya oo u dhexeeya Soomaaliya iyo China.

Dhinaca kale, danjire Wei oo Soomaalidu badankood u yaqaanaan ‘Warsame’ kuna hadlayay luuqadda afka Soomaaliga ayaa ballanqaaday in dhowaan ay mashaariic dib u dayactiris ah ku sameynayaan cusbitaalka Banaadir, gegida kubbadda cagta Muqdisho iyo madxafka qaranka, kuwaasoo dhammaantood burbur kasoo gaadhay dagaalladdii sokeeye ee waddanka Soomaaliya.