Madaxweynaha oo Furey Isbitaal Casri Ah oo Dowladda Imaaraatka ay Ka Dhistey Muqdisho

Muqdisho (XT) : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey isbitaal cusub oo casri ah oo laga dhisey magaalada Muqdisho.

Isbitaalkan waxaa dhismihiisa maalgeliyey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana loogu magac darey Sheikh Zayid Bin Sultan Al Nahyan oo ah Madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana xaruntan cusub ay faa’ido badan u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Isbitaalkan casriga ah waxaa uu u adeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibadaha u doonaan jireen’’.

Munaasabaddaasi waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka, Mudane Mahad Cawad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Wixii ka dambeeyay abaartii 2011, Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha dalal carab ah iyo kuw Muslim ah kuwaas oo umadda Soomaaliyeed u fidiyay gurmad , iyaga oo si toos ah haatan uga qeyb qaata dib u dhiska dalka. Dowladahaas waxaa hormuud ka ah Imaaraatka Carabta, Turkiga, Baxrey iyo Qadar.

Waxaa xusid mudan in dhawr bilood ka hor xarigga laga jaray Isbitaalkii hore Digfeer oo haatan loo bixiyay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogaan kaas oo leh adeegyo caafimaad oo heersare ah. Balse hal iyo laba Isbitaal ma dabooli karto xaaladaha caafimaad darro ee dalka ka jira, waxaana loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba in ay ka qeyb qaataan soocelinta adeegyadii aasaasiga ahaa.

Tallaabooyinka ay Turkiga iyo Imaaraatka qaadeen ayaa dhabarjab ku ah hay’adaha Qaramarada Midoobay eek u qaraabta magaca shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan dalka ka qaban howlo muuqdo oo la taaban karo.