Madaxweynaha oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed

327

IMG-20170216-WA0013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay casuumaad u sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheeklh Axmed.

Kulanka labada masuul ayaa kusoo beegmay xilli Madaxweyne Farmaajo uu u diyaargaroobayo sidii uu ugu guuri lahaa madaxtooyada oo uu si toos ah uu ula wareegayo maanta oo khamiis ah.

Madaxweynaha ayaa maalmahan qaabilyaya masuuliyiinta sarsare ee dalka, xubnaha labada aqal ee Barlamaanka, siyaasiyiin iyo safaaradaha ajnabigab ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hore ula soo shaqeeyay Mudane Shariif Sheekh Axmed inkastoo markii dambe ay ku kala tageen heshii siyaasadeed oo loogu magic daray kamplada Accord kaasoo xilka looga qaaday.

IMG-20170216-WA0013 IMG-20170216-WA0012