Madaxweynaha oo Soo Gabababeeyay Booqashadii Dhuusamareeb

Photo/Radio Muqdisho
Photo/Radio Muqdisho
Photo/Radio Muqdisho

26 Maarso, 2015, Muqdisho-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho 3 maalmood ah oo u ku teget magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Madaxweynaha intii uu joogey Dhuusamareeb waxaaa uu kulamo goono gooni ah la yeeshey, salaadiin iyo ergooyin kale oo ka socda beelaha gobollada dhexe, Waxayna isla qireen baahida loo qabo in la dedejiyo dhismaha dowlad goboleed ka dhalata gobollada dhexe.

Madaxweynaha ayaa salaadiinta iyo ergooyinka kale ee uu la kulmey waxay si qota dheer isla gorfeeyeen arrimo muhiim ah oo ku saabsan, qabashada shirka lagu dhisayo dowlad goboleedka.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergooyinka waxay isku afgarteen in la dhaqaajiyo shirka lagu dhisayo dowlad goboleedka degaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so