Madaxweynaha oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Photo/Google

 

Photo/Google
Photo/Google

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka aragtida 2016-ka iyo  dhamaystirka maamul gobolleedyadda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay Ambassador Nicholas kay horumarka laga sameeyay dadaaladda siyaasadeed ee Maamul loo dhan loogu dhiso Gobollada Dhexe ee Soomaaliya taasi oo la filayo in dhawaan ay ka bilaabato gobollada dhexe ololaha doorashada.

Dhankiisa, Ambassador Kay ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka laga gaaray dhismaha Guddiyadda madaxa banaan ee ka shaqaynaya barnaamijka aragtida 2016-ka isagoo sheegayna in Qaramada Midoobay iyo Bulshada caalamka ay marwalba u taagan yihiin taageeridda Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la filaa in doorashooyinka madaxtinmo ay ka dhacaan marka lagaaro 2016-ka oo ah xiliga loo asteeyeyy inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in waqtiga loo asteeyay doorashooyinka aysan ku dhici karin.