MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO BOOQASHO KU TAGAYA DALKA UGANDA

158

MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda magaalada Kampala ee caasimada Uganda, halkaasoo uu kula kulmo doono dhigiisa Yoweri Museveni, si ay uga wada tashadaan arrimo kala duwan.

Labada Madaxweyne ayaa diirada ku saaraya xaalada labada dal, sida arrimaha ammaanka, siyaasada, iskaashiga iyo xoojinta labada dal, iyadoo safarkan ku so aaday, xilli Madaxweynaha culeys siyaasadeed uu kala kulmayo Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrimaha ay isla soo qaadi doonaan ay ka mid tahay dhawaaqii siyaasadeed ee ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee ahaa inuu xilka ka dego, inkastoo Madaxweynuhu soo dhoweeyay baaqaas.

Madaxeynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, maadaama ciidamada ugu badan ee howl galka AMISOM ka joogaan Soomaaliya, waxaana uu horay uu qeyb ka ahaa heshiiskii Kampala Accord ee dhigayay inuu is casilo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Faraamjo, markii ay is qabteen isaga iyo Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana baarlamaanka gudihiis uu mucaarado xoogan uu kala kulmay.

Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha, iyadoo laga sugayo inuu ka jawaabo warqadii qoraalka aheyd ee tala soo jeedinta Xildhibaanada ee ahaa inuu is casilo, iyadoo shirar gaar gaar ah ay ka socdaan Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku kacsan Madaxweynaha ayaa markii maalinimadii Khamiista u gudbinayeen warqada tala soo jeedinta ayaa sheegay in afar cisho ay ka sugayaan in Madaxweynuhu kaga soo jawaabo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu ka qeyb galo banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo, loogana soo horjeedo baaqii Xildhibaanada ee ahaa inuu is casilo, iyadoo banaan baxan uu hada ka socdo Garoonka Conis Stadium.

www.xaqiiqa.com