Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon

Madaxweynaha Somaliya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

 

banki moon

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Sharm -el Shiikh ee dalka Masar Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa Mr. Ban -Ki Moon.

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka la yeeshay Ban-Ki Moon ka hor inta uusan Muqdisho u dib ugu soo laaban kaddib markii la soo gabegabeeyay shir madaxeedkii dalalka Jaamacadda Carabta ee ka socday magaalada Sharm –el- Shiikh.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasada Soomaaliya,  sida loo gaari lahaa Barnaamijka aragtida 2016-ka -dhameystirka maamul goboleedyada federaalka iyo dib u eegista Dastuurka Qeybyada ah. Xogahaya Guud ayaa ugu horeyn uga tactiyey Madaxweynaha Soomaliya dadkii ku dhintay Weerarkii argagixiso ee  dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki Moon ayaa soo dhaweeyay  Hogaanka madaxweynaha ee  Dowlad Goboleedyada lagu samaynayo ee hada socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay sida ay muhiimka u tahay  maamulada la dhisayo ay noqdaan kuwa loo dhan yahay si gaar ahaana ay uga dhex muuqdaan, Haweenka, dhalinyarada iyo  bulshada laga tirada badan yahay.

Mr Ban-ki Moon iyo Madaxweyne Xasan Shiikh waxa ay kulankooda  uga hadleen sidookale xaaladaha biniaadanimo ee dalka ka jira , xaquuqul insaanka iyo  Horumarka Gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliaya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uga qeybgalay magaalada Sharm-el Shiikh ee dalka Masar shir madaxeedkii Dawladdaha Jamaacadda Carabta isagoo sidookalena kulamo la qaatay inta uu socday shirkaasi madax kale duwan oo ka qeybgalayay shirkaasi.