Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tagaya dalka Eritreeya si uu uga qaybgalo shir saddax geesood oo ah oo dalka Eritreeya ku dhexmari doona hoggaamiyaasha Soomaaliya, Eritreeya, iyo Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sida uu bartiisa Twitter ku shaaciyay wasiirka warfaafinta Eritreeya Yemane G Meskel waxa galinka danbe ee maanta tagi doona dalka Eritreya , isaga oo shir saddax geesood ah la qaadan doona madaxweynaha Eritreeya iyo ra`isul wasaaraha Itoobiya oo ku sugan dalka Eritreeya.
The President of the Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, will arrive in Asmara later today for a tripartite Summit with President Isaias Afwerki and Prime Minister Abiy Ahmed. pic.twitter.com/6cXaCxkdWy
— Yemane G. Meskel (@hawelti) September 5, 2018
Wax macluumaad oo intaas dhaafsiisan iyo waxa uu shirku ku saabsanyahay midna ma sheegin wasiirka warfaafinta dalka Eritreeya.
Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa wali war ka soo saarin socdaalka madaxweynaha uu ku tagayo dalka Eritreeya.